Muxuu yahay heshiiska Baddeed ee Dalka Ethiopia iyo Somaliland kala sixiixdeen ama galeen?


Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa magaalada Addis Ababa ku kala saxiixday heshiis taariikhi ah.
Heshiiska iskaashiga ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka ee Itoobiya iyo Somaliland, ayaa loogu talagalay in uu noqdo qaab-dhismeedka iskaashiga dhinacyada badan leh ee labada dal.
Heshiiska is-afgaradku waxa uu u gogol xaarayaa in la xaqiijiyo hamiga Itoobiya ee ku aaddan sugidda helitaanka badda iyo kafa iideysiga dekedaha. Waxa kale oo ay xoojinaysaa iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda. Intaa waxaa dheer, Heshiiska Is-afgaradku wuxuu sidoo kale tilmaamayaa dariiqa lagu xoojinayo xiriirkooda siyaasadeed iyo danaha diblomaasiyadeed.
Heshiiska Is-afgaradku wuxuu dib u xaqiijinayaa mawqifka mabda'a ah ee Dawladda Itoobiya si loo horumariyo danaha wadaagga ah iyada oo loo marayo iskaashi ku salaysan isdhaafsi. Heshiiska is-afgaradku waxa uu keenayaa cutub cusub oo wada shaqayn ah oo muhiimad wayn u leh is dhexgalka gobolka ee geeska. Waxa kale oo ay Itoobiya u sahlaysaa in ay kor u qaado doorkeeda ku aaddan ilaalinta nabadgelyada gobolka.



Ra'iisul Wasaaraha Ethiopia Dr. Abiy Ahmed ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray sidan awirka hoose ka muuqata.



Qoraalka Ra'iisul Wasaare Abiy ayaa u dhigan sidan:- "Maxaa kale oo aan dhahnaa oo aan aheyn alle ayaa mahad Leh"
 


War saxaafadeedka labada dhinac ay si wada jir u soo saareen oo sawir ah 




Comments

Popular posts from this blog

Dhacdo yar sida safar kooban ayaa qofka noloshiisa oo dhan badali karo sida che guevara .