Fariinta Madaxweynaha DDS ee Sanadka cusub ee 2024


Sanad cusub oo wacan! Ilahaygii nabad iyo caafimaad inagu soo gaadhsiiyay ayaa mahad iska leh. Intii aan nasiib u helin inay soo gaadhaan iyo intii amuuradoodu ayna u saxmin sanadkii tagayna waan u ducaynaynaa mid walba in Ilaahay waxay rabeen waafajiyo.

Sanadkii tagay ee 2023 waxaa Xukuumadda Deegaanka Soomaalidda u qabsoomay wax badan. Waxaa la sii adkeeyay amniga. Waxaa la xaqiijiyay daganaansho siyaasadeed. Waxaa la sugay xuquuqaaha aasaasiga ah ee muwaadiniinta. Waxaa laga midho-dhaliyay qorshayaashi horumarineed, miyi iyo magaalaba. Waxaa kobcay ganacsigii iyo maalgashigii. Waxaa si wayn kor loogu qaaday dakhligii. Waxaa la xoojiyay isla xisaabtanka hay’adaha ku salaysan, iyadoo Xafiiska Qorsheeynta iyo Wakaaladda iibka la siiyay awoodo ay ku xaqiijiyaan in si caddaalad ah loo qaybiyo mashaariicda, si cadcadaan lehna loogu tartamo. Waxaa la balaadhiyay barnaamijka caymiska caafimaadka bulshadda. Waxaa dardar la galiyay tayaynta waxbarashadda, inkastoo natiijooyinkii laga rabay wali aan la gaadhin balse wax wakhti qaata ay yihiin oo rajo wayn laga qabo in wax hagaagi doonaan. Waxaa la xakameeyay sicir-bararkii.
Sanadka cusub ee 2024 qorshuhu waa in la sii xoojiyo dhamaan wixii qabsoomay. Waxaa si gaar ah ahmiyad loo siin doonaa Waxbarashadda, Horumarinta magaalooyinka, Waxsoosaarka, Maalgashiga, iyo kor u qaadida tayadda adeegyadda aasaasiga ah. Waxaa kale oo la xoojin doonaa hay’adaha amniga, cadaaladda, iyo hantidhowrka.

Tafatire: Maxamed Cumar

Comments

Popular posts from this blog

Muxuu yahay heshiiska Baddeed ee Dalka Ethiopia iyo Somaliland kala sixiixdeen ama galeen?

Dhacdo yar sida safar kooban ayaa qofka noloshiisa oo dhan badali karo sida che guevara .