Hussein Kassim (PhD) Wasiirka Madaxtooyada DDS oo waraysi dhinacyo badan taabanaya siiyay mareegta The Reporter

 



Wasiirka Madaxtooyada DDS, Dr. Xuseen Qasim, ayaa waraysi dheer siiyay jariirada toddobaadlaha ah ee The Reporter. Waxaan halkan ku soo koobaya dhowr qodob oo aan is idhi waa muhiim. 

Qasim ayaa si adag u diiday in xukuumadiisu gabaad u tahay kooxo leh ujeedooyin ah inay Ethiopia ka go'aan. Wuxuu xusay in ujeedada dawladiisu tahay inay maamulan Ethiopia balse aanay ka goosan. 

Wuxuu xusay inay taariikh ahaan jireen jabhado ka jira Ethiopia kuwaas oo dhashay xiligii Dhargigi iyo EPRDF. Waxaa uu hoosta ka xariiqay in qaabka siyaasada ee Ethiopia isbadalay islamarkaana qoomiyado horay loo riixi jiray ay maanta si mug leh uga muuqdaan saaxada siyaasada. 

Dr. Xuseen ayaa sheegay in ay diirada saarayaan inay ka qayb qaataan hogaaminta dalka iyo horumarintiisa, balse aanay ka go'ayn. Wuxuu intaas ku daray, in qoomiyada kale qabaan aragtidaas oo kale. 

Mar la waydiiyay saamaynta heshiiskii is-fahan ee Ethiopia iyo Somaliland ku leeyahay gobolka Soomaalida, wuxuu tibaaxay in wax kasta oo dalka dan u ah uu faa'iido u leeyahay gobolka Soomaalida maadama uu kamid yahay dawlada federalka ah. Xuseen ayaa tibaaxay in howshaas ay leedahay wasaarada arrimaha dibada ee dawlada federalka ah. 

Wasiir Xuseen, oo ka hadlaya arrimaha shidaalka, ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay in arrintaas dhowaan laga maqli doono war wanaagsan. Wuxuu intaas ku daray, in dawlada dhaxe iyo ta DDS ay daadaal xoog leh galinayaan sidii mashruucan maalgashigiisa loo fududayn lahaa. 

Qasim ayaa tibaaxay in xalka colaada Canfarta iyo Soomaalidu yahay in si nabad loo xaliyo iyada oo la raacayo qaraarada dawlada dhaxe. Wasiirka ayaa tibaaxay in ahmiyada amniga ee DDS tahay sidii loo joojin lahaa in argagixisado soo gasho gobolka iyo Ethiopia inteeda kale. Wuxuu carrabka ku dhuftay Shabaab oo uu xusay in si firfircoon loo hor taagan yahay. Xuseen ayaa sheegay in dawladiisu taagerayso qorshaha RW ee ah in colaadaha la joojiyo islamarkaana barakacayaasha lagu celiyo goobihii ay ka soo qaxeen. 

 Dr Xuseen ayaa soo qaaday in barakacayaal dhan 1 milyan ku sugan yihiin gobolka Soomaalida kuwaas ka soo qaxay colaadii Oromada iyo Soomaalida. Wuxuu tilmaamay in xukuumada DDS qorshe u qaadatay in dadkaas ay iskood u noqdaan ama gobolka Soomaalida la dajiyo. 

Wuxuu sheegay in kumaakum qaxootiga kamid ahi doorteen inay noqdaan, goobo kale la dajiyo iyo inay bulshada dhax galaan. 

Wasiirka ayaa waraysigiisa ku ifiyay horumarka ay xukumaadu samaysay intii isbadalku jiray. Wuxuu tibaaxay in horumar laga sameeyay dhanka siyaasada, nabadaynta, horumarka iyo xuquuqda aadamaha.

Comments

Popular posts from this blog

Muxuu yahay heshiiska Baddeed ee Dalka Ethiopia iyo Somaliland kala sixiixdeen ama galeen?

Dhacdo yar sida safar kooban ayaa qofka noloshiisa oo dhan badali karo sida che guevara .