Hussein Kassim (PhD) Wasiirka Madaxtooyada DDS oo waraysi dhinacyo badan taabanaya siiyay mareegta The Reporter
Wasiirka Madaxtooyada DDS, Dr. Xuseen Qasim , ayaa waraysi dheer siiyay jariirada toddobaadlaha ah ee The Reporter . Waxaan halkan ku soo koobaya dhowr qodob oo aan is idhi waa muhiim. Qasim ayaa si adag u diiday in xukuumadiisu gabaad u tahay kooxo leh ujeedooyin ah inay Ethiopia ka go'aan. Wuxuu xusay in ujeedada dawladiisu tahay inay maamulan Ethiopia balse aanay ka goosan. Wuxuu xusay inay taariikh ahaan jireen jabhado ka jira Ethiopia kuwaas oo dhashay xiligii Dhargigi iyo EPRDF . Waxaa uu hoosta ka xariiqay in qaabka siyaasada ee Ethiopia isbadalay islamarkaana qoomiyado horay loo riixi jiray ay maanta si mug leh uga muuqdaan saaxada siyaasada. Dr. Xuseen ayaa sheegay in ay diirada saarayaan inay ka qayb qaataan hogaaminta dalka iyo horumarintiisa, balse aanay ka go'ayn. Wuxuu intaas ku daray, in qoomiyada kale qabaan aragtidaas oo kale. Mar la waydiiyay saamaynta heshiiskii is-fahan ee Ethiopia iyo Somaliland ku leeyahay gobolka Soomaalida, wuxuu tibaaxay in wa